Goob lagu xusuusanayo Muslimiin lagu dilay Uganda oo la hirgelinayo

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa u balanqaaday bulshada Muslimiinta hirgelinta goob lagu xusuusanayo Shuhadadii lagu lagu xasuuqay wadankaasi.

Xaruntaan ayaa la dhisayaa Namugongo, magaalo 15 KM u jirta caasimada Kampala, halkaasoo sanadkii 1806 tobanaan dad Muslimiin iyo Masiixiyiin isugu jira lagu khaarijiyey.

Amarka lagu dilay dadkaasi oo 12 kamid ah ay Muslimiin ahaayeen ayaa waxaa bixiyey Mwanga II, oo ahaa boqor maxali ah, kaasoo ka walwalay in dadkaasi ay halis ku noqdaan maamulkiisa.

Sikastaba ha ahaatee, bulshada kala duwan oo ay dadkaasi kasoo jeedeen ayaa sanad kasta June 3-deeda waxay fursad u heli doonan in ay u baroor-diiqaan dadkaasi laga dilay.

Isaga oo la hadlayay munaasabad Afur ah oo uu Muslimiinta ugu sameeyay Madaxtooyadda, ayuu Museveni ku booriyey shucuubta wadankiisa ku nool in ay xushmeeyaan diimaha kala duwan.

"Waan kala shaqeyn doonaa arrintaan hogaamiyeyaasha Muslimiinta. Waa taariikh qormeysa. Waxaana sidoo kale ay u tahay Masiixiyiinta iyo dad kale ee dhacdadaasi ku dhintay," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, wuxuu ugu hambalyeeyay Muslimiinta bisha barakeysan ee Ramadaanta, oo uu tibaaxay in ay tahay mid looga fogaado rabshadaha ku dhisan naceybka iyo is-dilka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM