Goorta la tijaabinayo dayax gacmeedkii ugu horeeyay ee Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya – Madaxweyne Sahle-Work Zewde ayaa waxay shaacisay in Itoobiya ay sanadkan tijaabineyso dayax gacmeedkii ugu horeeyay abid.

Shirkad ay leedahay dowladda Shiinaha ayaa waxay kaalin weyn ka cayaartay horumarinta iyo sameynta qaab dhismeedka aaladan casriga ah.

Dayax gacmeedka koowaad ee uu leeyahay waddankan dhaca Geeska qaaradda Afrika ayaa waxaa hawada loo diri doonaa bisha December ee sanadkan.

Xarun ku taala waddanka China ayaa la filayaa in hawada sare looga ganno, iyada oo munaasabadda ay kasoo muuqan doonan mas'uuliyiin labadda dhinac ah.

Zewde oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay rumeysan tahay in dayax gacmeedkan uu dalkeeda ka caawin doono casireynta wax soo saarka dalaga beeraha.

Sida ay sheegeen khuburadda gacanta ku haysa, dayax gacmeedka ayaa waxa uu bixin doona macluumaad ku saabsan isbedelka cimilada iyo jawiga caadiga ah.

"Waxaan u adeegsan doonan hirgelinta yoolalkeena hor-tabinta leh ee oo ay kamid tahay ilaalinta dhirta," ayay hadalkeeda kusii dartay Sahle-Work Zewde.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM