Gorgortanka biyo-xireenka muranka dhaliyey ee Nile oo dib u furmay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Suudaan, Masar iyo Itoobiya ayaa Axaddii dib-u-bilaabay wareegii ugu dambeeyay ee wadahadallada biyo-xireenka muranka dhaliyay ee Nile, mid kamid webiga ugu weyn dunida.

Wadahadalladan muddo laba todobaad ah ku qabsoomaya fogaan arag waxaa qayb ka ah wasiirrada biyaha dalalkan, iyo sidoo kale wakiillo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka.

Shiarkii saddex-geesoodka ahaa ee horey ayay ku fashilmeen in ay uga heshiiyaanbuuxinta iyo ka shaqeynta keydka ballaaran ee biyo-xireenka dheer ee dhererkiisu yahay 145-mitir una dhiganta 475-fiit.

Masar, oo waraab iyo cabid ahaan ku tiirsan Nile qiyaastii boqolkiiba 97, ayaa u aragta biyo-xireenka inuu yahay halis kusoo fool leh.

Suudaan ayaa fileysa in biyo xireenka uu gacan ka geysto jaangooynta daadadka, laakiin waxay sidoo kale ka digtay in malaayiin qof ay "halis weyn ku jiri doonaan" haddii Itoobiya ay kaligeed biyo-xidheenka buuxiso.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa u aragta mashruucan mid muhiim u ah daboolida baahida koronto ee haysta iyo horumarinteeda, waxayna ku adkeysaneysaa in uusan hoos u dhigi doonan qulqulka biyaha webiga.

"Saddexda dhinac waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan ka wada hadalka arinka, iyaddoo loo marayo koox ka kooban lix xubnood oo ay ku jiraan laba wakiil oo ka socda wadan kasta," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kooban oo ay soo saartay wasaarada biyaha ee xukuumadda Khartuum.

Kooxda ayay sheegtay inay dejin doonaan "qaab tixraac u ah" doorka khubarada si ay u fududeeyaan wadahadalada, waxayna warbixintooda u gudbin doonaan wasiiradda biyaha ee saddexda dal ilaa Arbacada.

Bishii July, Addis Ababa ayaa shaacisay inay gaartey bartilmaameedkeedii ugu horreeyay ee sannadka ee ahaa inay buuxiso kaydka weyn ee biyo-xidheenka weyn, kaasoo qaadi kara 74 bilyan oo mitir cubic [2,600 bilyan oo cubic feet].

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, wuxuu u muuqday inuu soo jeedinayo in Masar laga yaabo inay ku burburiso, hadalladaas oo ay u aragtay Itoobiya mid hurinaya "dagaal".

Masar iyo Suudaan ayaa waxay muddo dheer ku baaqayeen in xal siyaasadeed laga gaaro muranka, iyagoo ka dhawaajinaya diidmada ka soo horjeedda tallaabo kasta oo keli ah oo Itoobiya qaado.

Niilka buluuga ah, oo ka soo baxa buuraleyda sare ee Itoobiya, wuxuu darsamaa Niilka Cad ee ka soo baxa Bariga Afrika isagoo maraya caasimada Suudaan ee Khartuum, halkaasoo webiga Nile uu ka sameyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shaqaale ka xirnaa diyaaradda Kenya Airways oo dib u helay xorriyadooda

Labadan shaqaale oo ka shaqaynayay xafiiska shirkadda diyaaradaha ee Kinshasa, ayaa la xidhay 19-kii Abriil.

  • Afrika

    07-05-2024

  • 03:38AM

Shir ka dhacay Afrika oo ku baaqay cunaqabatayn ka dhan ah Israa'iil

Kulankan ayaa waxaa yeeshay dalalka xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC.

  • Afrika

    06-05-2024

  • 04:23AM