Guddi baaraya dilalka banaanbaxyadii Suudaan oo la magacaabay

Image

KHARTUUM, Suudaan – Ra'iisul Wasaaraha waddanka Suudaan, Cabdalla Xamduuk, ayaa magacaabay wuxuu guddi baaritaan ku sameyn doono weeraradii ciidamadda ee ka dhanka ahaa dibad-baxayasha bishii June.

Banaanbaxyada oo muddo 16-todobaad ka socday meel ku dhow Wasaaradda Difaaca ayaa waxaa lagu diidanaa xukunkii Al-Bashiir iyo Golahii Milatariga ee ku meel gaarka ah ee xukunka ka tuuray.

Magacaabida Guddiga ayaa ka dambeysay markii hay'addo u dooda xuquuqada aadanaha iyo shacabka ay dalbadeen cadaalad.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Khatruum ayaa lagu xusay in guddigan ay yihiin kuwa madax banaan.

Guddiga oo ka kooban mas'uuliyiin iyo goobjoogeyaal ayaa awood loo siiyey in ay helaan dhamaan dukumiintiyadda ay baahdaan. Wadar ahaan 100 banaanbaxayaal ayaa la sheegay in ay dileen ciidamadda dowladda.

Wakaaladda wararka u faafisa Suudaan ayaa ku warameysa in Guddiga ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ku bilaabi doonan baaritaanka.

Mudaaharaadyadda oo bishii April ka bilowday sarre u kac ku yimid maciishada nolosha ayaa keenay in dowlad ku meel gaar ah ay ka dhalato Suudaan.

Cumar Xasan Al Bashiir oo wajahaya eedeymo musuqmaasuq ayaa sugaya maxkamaddeyn, isaga oo qirtay in uu malaayiin Doollar ka helay Sacuudiga, wallow uu beeniyay in uu arrimo shaqsi u adeegsaday.

Suudaan oo u muuqata mid lugaha la galeysa bog cusub oo dimoqraadiyadeed ayaa waxaa haatan ka dhisan dowlad ku meel gaar ah oo ay wada dhiseen mucaaradka, shacabka iyo Golaha Milatariga ku meel gaarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo gaaray Addis Ababa, Itoobiya

Booqashadan ayaa ku xigtay booqasho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos.

  • Afrika

    11-02-2026

  • 01:53PM