Guddiga biladda nabada aduunka oo dhaliil u jeediyey Abiy Axmed

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddiga abaalmarinta nabadda aduunka ayaa ku dhaliilay Abiy Axmed inuu ka caga-jiidayo tegida munaasabad dhacaysa todobaadka dambe.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ah ku guuleystaha sanadkan 2019-ka ee Nobel Peace Prize. Wuxuu ku muteystay nabadeynta Eritrea iyo Itoobiya.

Abiy ayaa lagu wadday in Talaadada uu khudbadiisa aqbalaada abaalmarinta ka jeediyo Oslo City Hall kahor inta aan la gudoon-siin shahaado iyo bilad ku fadhisa $945,000.

Agaasimaha guud ee Norwegian Nobel Institute ayaa talaabadda Abiy Axmed wuxuu ku qeexay "dhibaato aad u sareysa".

Olav Njoelstad ayaa carabka ku dhuftay in qaban-qaabiyeyaashu "rajeynayeen in Abiy Axmed ogolaan doono in uu la hadlo war-fidiyeenadda Norway iyo kuwa caalamiga ah.

"Ku guuleysteyaashii hore ee Nobel, kuma qabin wax dhibaato in ah in ay kasoo qayb galaan munaasabad dhaqan u ah Nobel oo saddex ama afar maalmood ah," ayuu xusay.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid 2018 bixiyay wareysiyo kooban, waxaana lagu tilmaamay mas'uul aan u furnayn saxaafadda.

Dhinaca kale, xafiiska Abiy oo ka jawaabay dhaliisha ayaa sheegaya in ra'iisul wasaaruhu ku mashquulsan yahay xalinta "caqabado gudaha ah".

Ma ahan wax cusub in ku guuleysteyaasha biladdan ay diidaan in ay la hadlaan saxaafadda madaxa banaan ee maxaliga iyo kuwa caalamka.

Barack Obama, madaxweynihii 45aad ee waddanka Mareykanka, oo sanadkii 2009-kii lagu abaalmariyey abaalmarintaan, ayaa wuxuu ku gacansayray codsi kan lamid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM