Gudoomiyihii la xiray ee Nairobi oo xayiraad lagu soo rogay

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Kenya ayaa damaanad kusii deysay gudoomiyihii la xiray ee Nairobi, Mike Sonko.

Kahor inta aan lasii deyn, Sonko ayaa bangiga dowladda ku shubay aduun lacageed dhan 150-kun oo Doollar, taasoo damaanadda ah.

Dhinaca kale, garsooreyaasha ayaa isku raacay in Sonko uusan xafiiska u shaqo tegi karin inta laga soo gabagabeynayo dacwadda ka dhanka ah.

Sonko, oo 44-jir ah, ayaa Jimcadii lasoo dhaafay loo xiray eedeymo ku aadan in uu musuqmaasuqay 3-milyan oo Doollar-ka Mareykanka.

Barasaabka magaala madaxda Kenya oo beeniyay eedeymaha loo jeediyey ayaa ku sifeeyay kuwa salka ku haya dano siyaasadeed.

Damaanad kusii deynta iyo xayiraadda ayaa imaaneysa xili Isniintii isbitaal loola cararay kadib xanuun xabadka ah oo lasoo darsey isagoo xabsiga ku jira.

Dowladda madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxay sarre u qaadey dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa oo maxkamad loosoo taagey mas'uuliyiin sar-sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM