Gudoomiyihii la xiray ee Nairobi oo xayiraad lagu soo rogay

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Kenya ayaa damaanad kusii deysay gudoomiyihii la xiray ee Nairobi, Mike Sonko.

Kahor inta aan lasii deyn, Sonko ayaa bangiga dowladda ku shubay aduun lacageed dhan 150-kun oo Doollar, taasoo damaanadda ah.

Dhinaca kale, garsooreyaasha ayaa isku raacay in Sonko uusan xafiiska u shaqo tegi karin inta laga soo gabagabeynayo dacwadda ka dhanka ah.

Sonko, oo 44-jir ah, ayaa Jimcadii lasoo dhaafay loo xiray eedeymo ku aadan in uu musuqmaasuqay 3-milyan oo Doollar-ka Mareykanka.

Barasaabka magaala madaxda Kenya oo beeniyay eedeymaha loo jeediyey ayaa ku sifeeyay kuwa salka ku haya dano siyaasadeed.

Damaanad kusii deynta iyo xayiraadda ayaa imaaneysa xili Isniintii isbitaal loola cararay kadib xanuun xabadka ah oo lasoo darsey isagoo xabsiga ku jira.

Dowladda madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxay sarre u qaadey dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa oo maxkamad loosoo taagey mas'uuliyiin sar-sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM