"Hadaladii u dambeeyay ee uu iigu yiri wiilkayga ay Al-Shabaab dishay"

Image

WASHINGTON, US – Mid kamid ah saddexda Ameerikaanka ah ee lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ay Axadii ku qaadey xerada Manda Bay ayaa si rasmi ah loo shaaciyey magaciisa.

Henry Mayfield Jr, oo 23-jir ahaa, ayaa wuxuu kasoo jeedaa xaafadda Hazel Crest ee ka tirsan magaalada caanka ah ee Chicago.

Labadda kale ee u dhashay Mareykanka ee ku dhintay saldhiga oo ahaa qandaraasleyaal ayaan la shaacin magacyadooda sababo ku aadan ogolaansho laga sugayo qoyska.

Carmoneta, hooyadda Mayfield, oo u warantay warbaahinta NBC, ayaa soo bandhigtay sheekadii u dambeysay ee dhexmartay iyadda iyo wiilkeeda ay jeclayd ee geeriyoodey.

"Qoyskiisa wuu jeclaa wuxuuna la qaadan jiray waqti ku filan caruurtiisa," ayay Carmoneta tiri, iyadoo qiireysan.

Markii u dambeysay oo ay kuwada hadleen aaladda Facetime ayaa ahayd maalintii koowaad sanadka cusub ee 2020-ka.

"Waxaan kawada hadalnay in uusan aadin Soomaaliya, wuxuu ii sheegay in wax kasta ay wanaagsan yihiin saldhigana uu ku badqabo," ayay xusuusteeda dib ugu soo celisay.

Boqolaalka qof ee baraha bulshadda adeegsanaya una rajeynaya qoyskooda wax wanaagsan ayay sidoo kale u mahadcelisay.

"Wuxuu ii sheegay in wax kasta ay fiicnaan doonan," ayay raacisay, iyadoo hadalka kusoo xirtay: "Kuwaas ayaa ahaa erayadii ugu dambeeyay ee uu igu yiri".

Mayfield, oo ku biiraya liiska Ameerikaanka ku naf-waayey gacanta ururka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida, ayaa milatariga Mareykanka kamid noqday bishii June, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM