Haweenay ilaalo ah oo shaqada loo eryay in ay wasiir saf gelisay

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamadda Sarre ee Kenya ayaa taageertay shaqo ka eryid lagu sameeyay haweenay waardiye ka ahayd garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Daizy Cherogony ayaa loo racdeeyay in ay saf gelisay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mr Fred Matiang’i.

Dacwad-oogeyaasha waxay ku eedeeyeen in ay "bahdishay oo ay si xun ula dhaqantay mas'uul dowladeed".

Wasiirka oo uu wehliyey ilaaliyihiisa gaarka ah waxay kusii jeedeen Kisumu. Dhacdadaas ayaa lasoo wariyey 6-dii April sanadkii 2016-kii.

Shilkaas ayaa sababay in uu hakad ku yimaado duulimaadkaas. Maamulka Garoomada Kenya waxay kadib ruqseeyeen Cherogony, taasoo kadib dacwad ka furatay maxkamada.

Maamulka oo su'aal geliyey sababta ay haweenayda ugu baahatay in ay feel geliso wasiirka ayaa eryideeda u cuskaday in ay sameysay ku tagrifal iyo in ay baajisay duulimaadka.

Cherogony oo ku doodey in shaqo ka eryideedu tahay faquuq iyo sharci darro ayaa dalbatay in shaqadeeda dib loogu celiyo isla markaana la siiyo aduun lacageed maghow ah.

Kiiskan ayaa aad looga hadalhayaa wadanka dhaca Geeska qaaradda Afrika, waxaynu dadku yihiin kuwa aad ugu kala qeybsamay qadiyadda ku saabsan in la eryo haweenayda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM