Haweenay ilaalo ah oo shaqada loo eryay in ay wasiir saf gelisay

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamadda Sarre ee Kenya ayaa taageertay shaqo ka eryid lagu sameeyay haweenay waardiye ka ahayd garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Daizy Cherogony ayaa loo racdeeyay in ay saf gelisay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mr Fred Matiang’i.

Dacwad-oogeyaasha waxay ku eedeeyeen in ay "bahdishay oo ay si xun ula dhaqantay mas'uul dowladeed".

Wasiirka oo uu wehliyey ilaaliyihiisa gaarka ah waxay kusii jeedeen Kisumu. Dhacdadaas ayaa lasoo wariyey 6-dii April sanadkii 2016-kii.

Shilkaas ayaa sababay in uu hakad ku yimaado duulimaadkaas. Maamulka Garoomada Kenya waxay kadib ruqseeyeen Cherogony, taasoo kadib dacwad ka furatay maxkamada.

Maamulka oo su'aal geliyey sababta ay haweenayda ugu baahatay in ay feel geliso wasiirka ayaa eryideeda u cuskaday in ay sameysay ku tagrifal iyo in ay baajisay duulimaadka.

Cherogony oo ku doodey in shaqo ka eryideedu tahay faquuq iyo sharci darro ayaa dalbatay in shaqadeeda dib loogu celiyo isla markaana la siiyo aduun lacageed maghow ah.

Kiiskan ayaa aad looga hadalhayaa wadanka dhaca Geeska qaaradda Afrika, waxaynu dadku yihiin kuwa aad ugu kala qeybsamay qadiyadda ku saabsan in la eryo haweenayda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM