Haweenaydii ugu horeysay oo madaxwayne ka noqotay Tanzania

Image

DAARU SALAAM, Tanzania - Madaxweyne ku xigeenka Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa loo dhaariyay in ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee madaxweyne ka noqota waddankaas ku yaala bariga Afrika ka dib geeridii lama filaanka ahayd ee John Magufuli oo u geeriyooday xanuun uu hareeyay shaki badan.

"Aniga, Samia Suluhu Hassan, waxaan ballanqaadayaa inaan daacad noqdo oo aan adeeco oo aan ilaaliyo dastuurka Tansaaniya," ay Samia oo ku labisneyd dhar madow iyo xajaab casaan ah ka hor tiri mudanayaal ka qeybgalay xaflad ka dhacday caasimada ganacsiga ee Daarusalaam.

Khudbadeedii ugu horreeyay ee ay jeediso iyadoo madaxweyne ah, hoggaamiyahan 61 jirka ah ayaa waxay ku dhawaaqday 21 maalmood oo baroor diiq ah oo loo sameynayo Magufuli.

Sidoo kale, waxay 22-ka Maarso iyo 25-ka Maarso u muddeysay maalinta la aasi doono madaxweynaha geeriyooday.

"Ma ahan maalin ii wanaagsan in aan hadlo maxaa yeelay falaar ayaa wadnahayga iiga taagan," ayuu tiri Samia. "Maanta waxaan qaatay dhaar ka duwan xirfadayda. Maanta waxaan qaatay dhaartii ugu sareysayinta xafiiska aan joogo anigoo baroor diiqaya," ayay ku dartey.

Samia ayaa heshay fursadda kursiga madaxweynaha ka dib dhimashadii Magufuli oo dowladda ku dhawaaqdey Arbacadii in uu u dhintey wadno xanuun. Shaacinta waxay timid in ka badan laba toddobaad ka dib markii ugu dambaysay ee lagu arko fagaaraha.

Maqnaanshaha Magufuli tan iyo 27-kii bishii Febraayo ayaa sii hurisay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan caafimaadkiisa waxaana ka dhashay warar xan ah oo sheegayay in laga helay COVID-19, in kasta oo saraakiisha ay beeniyeen inuu xanuunsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM