Heshiis lagu soo afjarayo colaad jirtay tobanaan sano oo la kala saxiixdey

Image

KHARTUUM, Suudaan – Dowladda Suusaan iyo mid kamid ah isbaheysiyadda hubeysan ee ka jira waddankaas ayaa Isniinta maanta ah waxay kala saxiixdeen heshiis ay kusoo afjarayaan colaad jirtay mudo 17-sano ah.

Jabhadda Kacaanka Suudaan oo loo yaqaano SRF ayaa waxaa ku mideysan yihiin kooxo kasoo kala jeeda gobolka Galbeedka dhaca Daafuur iyo ismaamulada koonfurta ku yaala ee South Kordofan iyo Blue Nile.

Heshiiskan "taariikhiga ah" ayaa waxaa lagu saxiixay munaasabad ay madax sarre ka qeygashay taasoo lagu qabtay magaala madaxda Suudaanta Koonfureed ee Juba.

Wada-xaajoodyadda dhabaha u xaarey heshiiskaan ayaa soo socday tan iyo dabayaaqadda sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2019.

Ammaanka, lahaanshiyaha dhulka, nidaamka cadaaladda kala guurka, awood qeybsiga iyo dib u soo ceinta shacabka guriyahooda uga qaxay dagaaladda ayaa kamid ah qodobada ku xusan heshiiskan nabadeed.

Sidda ku cad heshiiska, kooxaha hubeysan ayaa askartooda la kala diri doonaa, iyaddoo lagu dari doono ciidamadda qaranka Suudaan.

Colaada gobolka Daafuur oo dhacdey sanadkii 2003-dii ayaa galaaftay nolosha 300,000 shacab, sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, xasilooni darada South Kordofan iyo Blue Nile oo qaraxdey 2011-kii ayaa ka dhalatay arrimaha aan la xalin ee dagaalkii sokeeye ee Suudaan ka socday mudadii u dhaxeysay sanadihii 1983-2005.

Sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha, heshiiskaan wuxuu muhiim u yahay riyada hogaanka ku meelgaarka ah ee Suudaan oo ah in uu xaliyo qadiyadaha ka dhashay dagaaladii sokeeye ee waddankaas aafeeyay.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir, Sudan waxaa ka dhacay isbedelo ay hormuud u tahay xukuumada Cabdalla Xamduuk, kaasoo xaqiijiyey in Al Bashiir la maxkamadeynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM