Hogaamiyaha Burkina Faso oo walaac ka dhaliyay caleema saarka Madaxweynaha Ghana

Image
Image
Image
Image
Image

ACRA, Ghana - Hogaamiyaha militariga Burkina Faso Capt Ibrahim Traore ayaa walaac dhaliyay kadib markii uu Talaadadii ka qeyb galay xafladii caleema saarka madaxweynaha Ghana John Mahama isagoo bastoolad xiran.

Qaar kamid ah dadka xafladda ku sugnaa, ayaa ku tilmaamay tallaabadan aan caadiga ahayn inay tahay xadgudub lagu sameeyay hab-maamuuska amniga Madaxweynaha cusub ee Ghana.

Kuwo kale ayaa u arkay in ay tahay kalsooni darro ku jirta Traore xili ay saraakiisha amniga Ghana ay si ay u ilaalinayaan madaxda kaqeybgashay caleema-saarka oo uu kamid yahay hogaamiyaha militeriga Burkina Faso.

Ma cadda in Traore uu fasax u haystay qaadashada hubka iyo in kale, balse xukuumadda cusub ee Ghana kama aysan jawaabin arintaas.

John Mahama ayaa xilka loo dhaariyay kadib markii uu si weyn uga adkaaday musharraxa xisbiga talada hayay ee Mahamudu Bawumia doorashadii bishii hore.

Traore, ayaa ka mid ahaa 17-ka madax ee ka qeyb galay caleema-saarka, waxaana booqashadiisa ay ku soo beegantay xilli xiisad diblomaasiyadeed ay ka taagan tahay Galbeedka Afrika.

Burkina Faso, ayaa kamid ah dhowr dal oo galbeeka Afrikaku yaalla, oo ay ku jiraan Mali iyo Niger, ayaa ka go'ay urur goboleedka Ecowas si ay u sameeyaan isbahaysi cusub maadaama xukunada militeri ee ka jira laga diiday inay shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Martha Karua oo laga masaafuriyay Tanzania iyadoo dooneysay inay daawato maxkamadeynta Tundu Lissu

Waxaa muuqata in xiisadda siyaasadeed ee Bariga Afrika ay sii xoogeysaneyso xilli ay soo dhow yihiin doorashooyin kala duwan oo muhiim ah.

  • Afrika

    19-05-2025

  • 07:52AM

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM