Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo laga helay Covid-19

Image

NAIROBI, Kenya – Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa la karantiilay ka dib markii baaritaan lagu sameeyay ay caddeeyeen in laga helay safmareenka Coronavirus fiidnimadii Khamiista.

Mr Odinga ayaa maalintii Talaadada todobaadkii hore la dhigay isbitaal ku yaala caasimada Nairobi kadib markii uu daal ku dhacay, sida ay sheegeen qoyskiisa.

"Si fiican ayuu uga jawaabayaa daaweynta uu helayo ... welina waa lama filaan. Waxaan sii wadaynaa inaan la socono horumarkiisa," ayuu dhakhtarkiisa ku yiri hadal uu soo saaray.

Mr Odinga ayaa markii dambe bayaan uu soo saaray ku sheegay "inuu dareemayo xoog isla markaana uu ku sugan yahay xaalad wanaagsan" laakiin wuxuu kula heshiiyay dhakhaatiirta inuu kusii jiro karantiil qasab ah.

Kenya waxaa la soo darsaya mowjad saddexaad oo ah caabuq Covid-19, sidda uu sheegay wasiirka caafimaadka.

Waddanku wuxuu diiwaan geliyey 829 kiis oo cusub Khamiistii – waa tiradii ugu badneyd kiisaska maalinlaha ah sannadkan.

Mr Odinga, oo 76 jir ah, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta gudaha Kenya ka waday isu soo baxyo siyaasadeed labadii bilood ee ugu dambeysay iyada oo aan la qaadin tallaabooyin nabadgelyo oo taxaddar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM