Hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya oo kulmaya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa maanta oo Axad ah shaaca ka qaadey in dhowaan uu la kulmi doono hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Eritrea.

Sidda laga soo xigtay qoraal uu soo dhigay bartiisa shaqsiga ah ee Twitter-ka, is-araga ayaa ka dhacaya Casmara, oo ah magaalo madaxda waddanka Eritrea.

Abiy ma uusan carabaabin waqtiga uu qabsoomayo shir-madaxeedkaas iyo ajendeyaasha lagu lafaguri doono.

"Waxaan la kulmi doonaa walaalahay, hogaamiyaasha Eritrea iyo Soomaaliya. Madaxweyne Isaias Afwerki, madaxweyne Maxamed C/llaani iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo kala duwan," ayuu yiri.

Wasiirka koowaad ee Addis Ababa ayaa ku daray "sidda had iyo jeerba, waxaan hubaa in magaaladeyda qaaliga ah ee soo dhaweynta Asmara ay joogitaankeena noqon doonto mid farxadeed".

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay Madaxtooyadda dalalka Soomaaliya iyo Eritrea oo ku saabsan kulankaan.

Abiy Axmed ayaa galabta gaaray Casmara kahor shirka saddex-geesoodka ah. Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu waddaa in uu madaxdan ku biiro maalinta berri ah.

Kulamo ay madaxdan horey ugu yeesheen Asmara ayay kaga xaajoodeen xaalada gobolka gaar ahaan iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyadda ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Horaantii bishaan Janaayo, 2020, madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea ee Afwerki oo ku kulmay Asmara ayaa isla meel-dhigay xoojinta heshiisyadii hore iyo iskaashiga danaha ka dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM