Hogaamiyihii inqilaabkii fashilmay ee Itoobiya oo la khaarijiyey

Image

ADDIS ABABA - Afhayeenka u hadlay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada amaanka dalkan ay toogasho ku dileen hogaamiyihii afgembiga gobolka Amaxaaradda, oo lagu magacaabi jiray General Asamnew Tsige.

General Asamnew Tsige ayaa lagu dilay duleedka magaaladda Bahir Dar maanta oo Isniin ah, waxaana lagu soo waramayaa in dagaal uu dhex-maray askar isaga taabacsan oo la socotay iyo ciidamada Federaalka oo isaga ku raadjoogay tan iyo sabtidii lasoo dhaafay.

Afgembiga ayaa lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaaradda, la taliyihiisa kadib markii ciidamada afgembiga waday ay ku weerareen xafiiskiisa xilligaasi oo shir gaar ah ka socday. Sidoo kale, waxaa isla maalintii sabtida lagu dilay hoygiisa Taliyihii guud ee ciidamada dalka Itoobiya.

Brig. Gen. Asamnew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiil badan oo Abiy Axmed uu kasoo daayay xabsiga markii la doortay sanadkii tagey, isagoo wixii markaasi ka dambeeyay hayay xilka taliyaha amaanka gobolka Amxaaradda, oo ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiya.

Gobolkan ayaa ah meel muhiim ah, oo ay ku nool yihiin dadka labaad ee ugu tirada badan dalka Itoobiya, waxaana ka jiray mudooyinkii dambe loolan dhanka hogaanka siyaasadeed iyo dagaal u dhaxeysay qowmiyadaha halkaasi degan.

Abiy Axmed, oo loogu magacdaray hogaamiyaha isbedel doonka ayaa sameeyay dedaallo dhowr ah, si uu u nabadeeyo dalkiisa, islamarkaana uga saaro wadanka nidaamka mudada dheer kasoo jiray ee ku dhisnaa kaligiisa-taliska.

Afgembiga dhicisoobey ee gobolka Amxaaradda ayaa muujinaya sida Itoobiya wali qowmiyadaheeda ukala qeybsan yihiin, iyadoo lagu soo beegay xilli dalka sanadka soo socda lagu wada inay ka dhacdo doorashada baarlamaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM