Hogaamiyihii inqilaabkii fashilmay ee Itoobiya oo la khaarijiyey

Image

ADDIS ABABA - Afhayeenka u hadlay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada amaanka dalkan ay toogasho ku dileen hogaamiyihii afgembiga gobolka Amaxaaradda, oo lagu magacaabi jiray General Asamnew Tsige.

General Asamnew Tsige ayaa lagu dilay duleedka magaaladda Bahir Dar maanta oo Isniin ah, waxaana lagu soo waramayaa in dagaal uu dhex-maray askar isaga taabacsan oo la socotay iyo ciidamada Federaalka oo isaga ku raadjoogay tan iyo sabtidii lasoo dhaafay.

Afgembiga ayaa lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaaradda, la taliyihiisa kadib markii ciidamada afgembiga waday ay ku weerareen xafiiskiisa xilligaasi oo shir gaar ah ka socday. Sidoo kale, waxaa isla maalintii sabtida lagu dilay hoygiisa Taliyihii guud ee ciidamada dalka Itoobiya.

Brig. Gen. Asamnew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiil badan oo Abiy Axmed uu kasoo daayay xabsiga markii la doortay sanadkii tagey, isagoo wixii markaasi ka dambeeyay hayay xilka taliyaha amaanka gobolka Amxaaradda, oo ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiya.

Gobolkan ayaa ah meel muhiim ah, oo ay ku nool yihiin dadka labaad ee ugu tirada badan dalka Itoobiya, waxaana ka jiray mudooyinkii dambe loolan dhanka hogaanka siyaasadeed iyo dagaal u dhaxeysay qowmiyadaha halkaasi degan.

Abiy Axmed, oo loogu magacdaray hogaamiyaha isbedel doonka ayaa sameeyay dedaallo dhowr ah, si uu u nabadeeyo dalkiisa, islamarkaana uga saaro wadanka nidaamka mudada dheer kasoo jiray ee ku dhisnaa kaligiisa-taliska.

Afgembiga dhicisoobey ee gobolka Amxaaradda ayaa muujinaya sida Itoobiya wali qowmiyadaheeda ukala qeybsan yihiin, iyadoo lagu soo beegay xilli dalka sanadka soo socda lagu wada inay ka dhacdo doorashada baarlamaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM