ICJ oo Soomaaliya iyo Kenya u dirtay digniin ku saabsan dacwadda badda

Image

THE HAGUE, Holland – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa warbixin sanadeed waxay kasoo saartay howlaha ay qabatay sanadkan 2019-ka.

Liiska qodobadda ugu muhiimsan waxaa lagu soo qaadey dacwadda badda ee u dhaxeysa dowladdaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu horeyn, waxay xeer-beegtaddu xaqiijisay in Kenya ay mar sii horeysay ku doodey in aysan qaadi karin kiiskan, taasoo ay ganafka ku dhufatay.

ICJ ayaa ku adkeystay in kiiskan ay awood sharci u leedahay in ay qaado, isla markaana ay go’aan iyaddu ka gaareyso.

Sidoo kale, waxay qirtay maxkamaddu in labadda dowladood ku guuldareysteen in ay qaab diblumaasiyadeed oo wada hadal ah ku dhameeyeen kiiskooda.

Nairobi ayaa tan iyo bilowgii kiiskan bishii August ee sanadkii 2014-kii ku doodeysay in gal-dacwadeedkan yahay mid labadda dal kawada xaajoon karaan.

Muqdisho oo kiiska u gudbisay ICJ ayaa warqadii koowaad oo ay dirtay ku xustay in ay labadda waddan isku fahmi waayeen hanaan wada hadal.

Kiiska oo soo maray heerarka maxkamadeynta ee dood qoraaleedka iyo mida afeedka ayaa haatan kaliya sugaya xukun ay ICJ kasoo saarto.

Tirro laba jeer ayaa dib loogu dhageysiga ugu dambeeya kadib codsi ka yimid Kenya oo ku aadan in ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay isku diyaariso.

Muddo kordhintii koowaad ayaa ahayd 2-dii Febraayo, halka dib u dhigistii labaad ay ahayd 14-December ee sanadkan 2019-ka.

Dalabka Kenya ee muddo kordhinta ayaa ahaa hal sano, balse ICJ ayaa gebi ahaanba diiday, waxayn u muddeysay horaanta bisha June ee 2020-ka.

Ugu dambeyntii, ICJ ayaa si cad ugu sheegtay labadda dal in aysan midna ka aqbali doonin muddo kordhin kale oo galkaan lagu sameeyo.

Isqabqbasiga ka dhaxeeya labadda dal ayaa salka ku haya goob hodan ku ah kheyraad oo ku taala xadka badda, halkaas oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM