IGAD oo shaacisay xudunta khilaafka dalalka xubnaha ka ah ururkaas
NAIROBI, Kenya – Urur goboleedka IGAD ayaa markii ugu horeysay wuxuu si rasmi ah uga hadlay khilaafka sii xoogeysanaya ee hareeyay dalalka ugu tunka weyn ee xubinta ka ah ururkaas.
Muranka ayaa salka ku haya cidda noqoneysa Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Fulinta oo murashaxiin dhowr ah u taagan yihiin.
Soomaaliya, Jabuuti iyo Uganda ayaa doonaya in ay qabtaan xilalkaas. Balse, Kenya iyo Itoobiya qudhooda waxay isu caleema saareen jagooyinkaas.
Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha Itoobiya ahna Gudoomiyaha IGAD, ayaa dalkiisa u magacaabay in Xoghayaha Fulinta, taas oo muranka xoojisay.
Dalalka ayaa magacaabistaas u arkay "talaabo lagu degdegay" maadaama aysan u dhameyn wadamada xubinta ka ah ururka.
Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa qeexaya in gebi ahaanba howlihii uu qaban-jiray ururkan ay hakad u galeen isqabqabsigan cusub.
Tartan
Nuur Maxamuud Sheekh, oo ah lataliye sarre oo dhanka siyaasadda u qaabilsan IGAD, ayaa xiisadda taagan ku sheegay "tartan" iaga oo meesha ka saarey in ay tahay "jahwareer".
"Waxa uu ahaa wada sheekeysi daacadnimo ah oo ku saabsan dib u habeynta ururka si loogu adeego danaha muwaadiniinta dowladhaa xubinta ka ah," ayuu u sheegay wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa wuxuu shaaca ka qaadey in xubnaha ay isku raaceen in waddankiisa uu qaato xilka xoghayaha balse Nuur wuxuu ganafka ku dhuftay sheegashadaas.
"Dabcan, in dowladduhu dalbadan arrintaan [xilalka] ma ahan mid aan caadi ahayn. Uganda, Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed waxay yihiin murashaxiinta, balse Itoobiya ayaa isa siisay kursiga".
Dalalka murashaxiinta ah ee isbedel doonka ah ayaa illaa iyo haatan waxay diidmadooda ku muujinayaan qaab hoose, iyadda oo laga cabsi qabo in xiisadda ay mar qura isku rogtay in warbaahinta laysku mariyo.
"Abiy waxa uu caddeeyay sanadkii hore in IGAD u baahan tahay dib u habeyn, Itoobiya-na ay ka quusan doonto xilka gudoomiyaha. Balse haatan, waxa uu u han-qal taagayaa booska Xoghayaha Fulinta".
Ismaandhaafka hareeyay dalalka xubnaha ka ah ururkan ayaa wuxuu qarka u saaran yahay in uu baajiyo shir madaxeed lagu wadday in uu Kenya uga qabsoomo wadamada si ay go’aan uga gaaraan xilalkan.
GAROWE ONLINE