In ka badan 20 qof oo ku dhimatay doon ku degtay xeebaha Senegal

Image
Xeebaha Senegal ayaa waxay yihiin goob ay ka dhoofaan qaxootiga Afrikaanka ah.

NAIROBI, Kenya - Kooxaha samatabbixinta ayaa in ka badan 20 meyd ka soo saaray badda waqooyiga Senegal ka dib markii ay degtay doon ay saarnaayeen boqollaal qaxooti iyo tahriibayaal ah.

Dadkan muhaajiriinta ah ayaa waxa ay ku sii jeedeen qaaradda  Yurub, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay guddoomiye gobol iyo dad ka badbaaday.

"In ka badan 20 mayd" ayaa la helay, guddoomiyaha gobolka Saint-Louis Alioune Badara Samb ayaa telefoonka ku sheegay Arbacadii, isagoo intaas ku daray in 20 qof oo kale la badbaadiyay.

Badara Samb ma aysan sheegin tirada rakaabka ah ee la socotay doonta balse dad ka badbaaday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in tirada ay noqon karto boqolaal.

Mamady Dianfo, oo ka soo jeeda Casamance oo ku taal koonfurta fog ee dalka, ayaa sheegtay in doonta la socdeen ilaa 300 oo rakaab ah, markii ay doonidu ka tagtay Senegal toddobaad ka hor.

Qof kale oo badbaaday kaasoo magaciisa lagu sheegay, Alpha Balde, ayaa waxa uu qiyaasay in tiradda rakaabka ay noqon karto 200 wallow aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xeebaha Senegal ayaa waxay yihiin goob ay ka dhoofaan qaxootiga Afrikaanka ah iyo muhaajiriinta u socda jasiiradda Canary ee Isbaanishka, oo ah dekeddooda iyo marinka ay ka galaan qaaradda Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM