In ka badan 50 rayid oo la xaqiijiyey in lagu dilay rabshadaha Nigeria

Image

ABUJA, Nigeria – Madaxweynaha waddanka Nigeria, Mohammaduu Buhari oo kasoo muuqdey telefishinka ku hadla afka dowladda, ayaa xaqiijiyey in rabshadaha waddankaas ay ku nafwaayeen 51 ruux oo shacab ahaa.

Rayidkaas la leelay oo ku kala sugan magaalooyinka ayaa ka banaanbaxayey "arxandarada" cutubyo kamid ah booliska kuwaasoo muuqaal laga duubay iyagoo jirdalaya ruux shacab ah uu qabsaday baraha bulshada.

Buhaari oo ka fogaaday in uu ka hadlo toogashooyinka carada caalamiga ah dhaliyey ayaa tibaaxay in 11 boolis ay ay dileen dibad-baxayaasha, isagoo kaga digay in ay sii wadaan qulqulatooyinka fowdada ku dhisan.

Xilli uu qiray in ciidamadda ammaanka ay adeegsadeen "awood xad-dhaaf ah," Buhaari ayaa carabka ku adkeeyay in aysan dowladiisa u dulqaadan doonin "dhalinyaradda caadeysatay falalka burcadnimadda ah".

Mudaaharaadyadan ayaa ka dhashay rabshadihii ugu xumaa taariikhda casriga ah ee waddankan tan iyo markii uu xorriyadiisa dib u hantay.

Hay'adda Amnesty International ayaa ku eedeysay booliska in ay rasaas nool u adeegsadeen "banaanbaxayaasha sida nabdoon isugu soo baxay".

Xukuumadda ayaa soo rogtay bandow ka dhaqagelaya magaalooyinka waaweyn. Kooxaha soo qabanqaabiyey dibad-baxa waxay ugu baaqeen dadka shacabka ah in ay u hogaan-samaan isla markaana ay guriga joogaan.

Arxan daradda booliska kula kacaan shacabka ayaa sanadkan waxay ku badan tahay qaar kamid ah wadamada caalamka iyaddoo Mareykanka uu xagaagan ku jirto dalalka ay dibadbaxyo aad u balaaran uu ka sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir maxkamad loosoo taagay qandaraas uu siiyey gabadhiisa

Qandaraaska ayaa waxa uu ahaa dhismo lagu kordhinayo garoon diyaaradeed.

  • Afrika

    09-05-2024

  • 05:10PM

Turkiga iyo AlJeeriya oo ku heshiiyay kordhinta duulimaadyadda

Dalka Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay tirada diyaaradaha isaga kala goosha.

  • Afrika

    09-05-2024

  • 08:26AM