In ka badan 60 rayid ah oo lagu dilay galbeedka Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – In ka badan 60 ruux ayaa lagu dilay weeraro kasoo cusboonaadey tuuladda Dibate Wereda, aaga Metekel ee gobolka Banishangul Gumuz ee dhaca Galbeedka waddanka Itoobiya.

Laanta Af-Amxaariga ee VOA-da ayaa warisay in weeraradaas ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan. Balse, midkoodna – ismaamulka iyo xafiiska warfaafinta aaga Meteke wali wax war ah kama soo saarin falkaas.

Saddex todobaad kahor ayay ahayd markii ku dhowaad 50 ruux lagu laayey isla aagaas. Dilalkaa waxaa lala xiriiriyey loolan qowmiyad.

Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay aagaas kadib dilalkaas kuwaas oo la wareegay ammaanka isla markaana taliye looga dhigay Gaashaanle Sarre Asrat Denero.

Dhacdooyinkaan ayaa kusoo hagaagaya xilli ciidamadda federaalka Itoobiya ay gobolka waqoyga dhaca ee Tigray ay kawadaan howlgal ay ku goobayaan wax ay ugu yeereen haraadiga hogaanka jabhada TPLF.

TPLF ayaa in muddo ah ka talin jirtay gobolka Tigray, balse waxaa bishii November, 2020 soo afjaray Abiy oo guluf ku qaadey.

Gulufkaas sababay geerida boqolaal iyo barakaca malaayiin Itoobiyaan ah ayaa ka dambeeyay markii hogaanka TPLF ay kasoo horjeesteen qorshaha ay doorashooyinka baarlamaanka ku baajisay dowlada.

Doorashooyinka ayaa haatan la qorsheynayaan in ay dhacaan bartamaha sanadkan 2021-ka. Balse, hubanti la’aanta waxay ka taagan tahay hadii ay guud ahaan Itoobiya uga qabsoomi doonto qaab nabdoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM