In ka badan 90 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Mozambique

Image
Carruur badan ayaa ka mid ahaa rakaabka waxaana la sheegay in ay qaarkood ku nafwaayeen dhacdadan.

MAPUTO, MOZAMBIQUE -
In ka badan 90 qof ayaa dhintay kadib markii dooni macmal ah oo buux dhaafiyay ay ku degtay waqooyiga xeebta Mozambique, sidda ay sheegeen maamulka deegaanka Axadii.

Doontan kaluumeysi ayaa waxaa saarnaa ilaa 130 qof, waxaana ay la kulantay dhibaato, xilli ay isku dayeysay in ay gaarto jasiirad ka baxsan gobolka Nampula, sida ay saraakiishu sheegeen.

"Sababta oo ah doontu aad ayay u buux-dhaaftay, mana ku habboonayn in ay rakaab qaado, aakhirkiina way degtay... Waxaa jira 91 qof oo naftooda ku waayay," ayuu yiri xoghayaha gobolka Nampula Jaime Neto.

Carruur badan ayaa ka mid ahaa dhibanayaasha, ayuu raaciyay.

Samatabbixiyeyaasha ayaa helay shan qof oo badbaaday, waxaana ay baadi goobayeen dad kale, balse xaaladda badda ayaa ka dhigaysa mid adag.

Inta badan rakaabku waxa ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan dhul waynaha sababta oo ah argagaxa ka dhashay macluumaad khaldan oo ku saabsan daacuunka, Neto ayaa yidhi.

Dalka ku yaalla koonfurta Afrika, oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan adduunka, ayaa diiwaangeliyay ku dhawaad ​​15,000 oo xaaladood oo ah cudurka biyaha ka dhasha iyo 32 dhimasho ah tan iyo bishii Oktoobar, sida lagu sheegay xogta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM