Isbedel lagu sameynayo hanaanka dowladnimada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA - Isbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu dib-u-habeyn iyo wax ka beddel ku sameeyo hanaanka go'aan-qaadashada ee madaxda dalkaasi.

Qorshahan ayaa laga leeyahay ujeedooyin fog, oo ah in Itoobiya noqoto dalka dimuqraadi ah kahor doorashooyinka sannadka soo socda, ayuu yiri xisbiga Ra'iisul wasaaraha Abiy Ahmed.

Xisbiga Dimuqraadiga ah ee “Oromo Democratic Party” ODP, oo ay weheliyaan saddex xisbi oo kale ayaa shaaciyay qorshaha Jimcihii shalay, waxaana ay noqonaysaa tallaabadan mid ugub ah.

Xisbiga EPRDF, ayaa la filayaa inuu beddelo fikradihiisa “dimuqraadiyadda kacaanka ku salaysan” taas oo mudo dheer wadanka lagu soo maamulayay, aadna ay dhaliileen dad badan.

Qaabka go'aan qaadashada hadda ka jira Itoobiya ayaa u oggolaanaya koox yar in ay go'aanno ka gaarto masiirka dalka Itoobiya oo ku dhisan nidaamka Federaalka, oo gobol kasta qaatey.

Tallaabadan ayaa timid xilli EPRDF isku diyaarinayo doorashooyinka la qorsheeyay sannadka soo socda, iyadoo dib-u-habeyn uu Abiy Axmed ku sameeyay hanaan siyaasadeedka dalka Itoobiya.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize oo uu ku muteystay Heshiiskii nabada Ereteriya iyo isbedelada gudaha dalkiisa.

Dabeylaha isbedela doonka ee ka socda Itoobiya, oo uu hormuud ka yahay Abiy Axmed, ayaa saameeyay guud ahaan gobolka Geeska Africa, oo Soomaaliya ay kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM