Isku day afgembi oo ka dhacay gobolka Amxaarada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warameysa in maanta oo Sabti ah gobolka Amxaarada uu ka dhacay isku day in-qilaab oo la doonayey in lagu rido hogaanka gobolkaasi.

Negussu Tilahun, xoghayaha dhanka warfaafinta ee xafiiska ra'iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa talafishinka ku hadla afka dowladda u sheegay in isku dayga uu fashilmay, xaaladuna xasiloon tahay haatan.

Saxaafada maxaliga ah ayaa tabineysa in rasaas laga maqley gudaha magaaladda caasimada ah ee Bahir Dar isla markaana ay jiraan waxyeelo dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay.

Madaxweynaha gobolka Amxaarada waxaa waqti xaadirkaan uu yahay Ambachew Mekonnen, kaasi oo haysta shahaahada PhD-ga, kana mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan is-maamulkaasi.

War-fidiyeenka dowladda Itoobiya ayaa baahisay in ammaanka mas'uuliyiinta heer gobol iyo mid federaal ee halkaasi ku sugnaa la xaqiijiyey isla markaana amniga haatan uu sugan yahay.

Sidda laga soo xigtay muuqaal-baahiyaha afka xukuumada Addis Ababa ku hadla, waxaa xabsi loo taxaabey shaqsiyaad la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen isku dayga afgambi.

Ambachew Mekonnin ayaa jagada madaxweynaha gobolka Amxaarada loo magacaabey bishii Maarso ee sanadkan 2019.

Gobolka Amxaarada ayaa waxa uu mid kamida sagaalka qowmiyadood ee ay u qeyb-san tahay Itoobiya, waxaana dadka halkaasi ku dhaqan lagu sheegaa in tiradoodu ay gaareyso 31.13 milyan oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM