Israel oo shaacisay dalka ay kursiga UN-ka ku taageereyso Jabuuti-Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Yahuuda ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday dalka ay taageereyso – midkood Jabuuti ama Kenya – coddeynta kursiga aan joogtada ahayn ee ururka Qaramada Midoobay.

Danjiraha Israel u fadhiya Nairobi, Joseph Oded, oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu tibaaxay in ay codkooda ugu shubi doonan dowladda Kenya.

Isaga oo sharaxaad ka bixinaya sababta waxa uu ku qeexay in ay door weyn kaga jirto dedaalada nabadda iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.

Hadlakan ayuu sheegay kadib markii uu la kulmay madaxweyne ku xigeenka, William Ruto, kaasoo ay kawada xaajoodeen xaaladda gobolka.

"Israel waxay si rasmi ah ugu taageereysaa Kenya dalabkeeda xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka UN," ayuu raaciyey.

Ruto oo ka mahadceliyay taageeradda ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in dalkiisa uu kusoo bixi doono kursigan aadka muhiimka u ah.

"Dagaalka argagixisadda Soomaaliya iyo Geeska Afrika waa khatar caalami ah oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho," ayuu ku daray.

Isniintii ayay ahayd markii Algeria ay balanqaaday in ay Kenya ku taageeri doonto dalabkeeda kursiga aan joogtada ahayn ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Kenya oo ku guuleysatay murashaxnimada bariga Afrika ayaa heshay 37 cod, halka Jabuuti la siiyey 13. Coddeynta ugu dambeysay waxay qabsoomi doontaa bisha June ee sanadka dambe 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM