Itoobiya: 35 ku dhimatay rabshado ka dhacay gobol doonaya is-maamul

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku geeriyootay markii ay isku dhaceen ciidamada amniga Itoobiya iyo dad ku sugan koonfurta dalkaasi.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in xoogaga dowladda ay rasaas ooda uga qaadeen dibad-baxayaal ku mudaaharaadaya guud ahaan is-maamulka Sidama.

Shaqsiyaadka u dhaqaaqa qowmiyadda Sidama ayaa waxay ku dhawaaqeen maamul goboleed ka tirsan federaalka Itoobiya, Khamiistii lasoo dhaafay.

Xubnahaasi ayaa ku eedeeyay dowladda in ay ku guuldareystay qabashada Afti ay u balanqaadey oo ku aadan qadiyadaasi.

Xaaladda ayaa lasoo sheegayaa in ay wali tahay mid kacsan, isla markaana ciidamada ay adeegsanayaa awood si ay u kala fir-dhiyaa dadka.

Sidama waa qowmiyadda Shanaad ugu balaaran waddankan ku yaala Geeska qaaradda Afrika, waxaana ay dadka wadankaasi ka yihiin boqolkiiba 4 - 4%.

Qowmiyadaha kale ee ka jira Itoobiya oo kala ah; Oromada, Soomaalida, Canfarta iyo Tigreyga oo ah kuwa ugu waaweyn ayaa leh dowlad goboleed.

Itoobiya ayaa haysata nidaam federaal ah oo ku saleysan qowmiyaddo, waxaana ka sheegaa in dhinacyadda laga tirada badan yahay aysan helin xuquuq badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM