Dagaal culus oo dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta

Image
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulada Soomaalida iyo Canfarta oo ku aadan khasaaraha.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo hubeysan oo ka soo kala jeeda qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka dhacay tuulooyin ku yaalla galbeedka gobolka Sitti ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalka ayaa ka bilowday deegaanka Dhunyar iyo tuulooyin kale, waxaana uu socday labadii maalmood ee u dambeeyay. Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegay balse si madax banaan looma xaqiijin karo.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulada Soomaalida iyo Canfarta oo ku aadan dagaalka ka soo cusboonaaday galbeedka gobolka Sitti, waxaana ilaa hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysa in dib u soo cusboonaato colaadaasi.

Xiisada u dhaxeysa Soomaalida iyo Canfarta ee ku nool dalka Itoobiya ayaan wali xal laga gaarin. Dagaaladii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay labada qowmiyadood ayaa ka dhacay magaalada Asbuli ee gobolka Sitti, bishii March ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM