Itoobiya iyo Kenya oo xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyay ee caabuqa saf-marka ah ee Coronavirus.

Kadib shirar jaraa'id oo ay qabteen, wasiiradda caafimaadka dalalkaas ayaa tilmaamay in ay karan-tiil geliyeen bukaanada.

Intii lagu guda jiray kulan saxaafadeedka, waxay hoosta ka xariiqeen in ay hubin ku waddaan shaqsiyaad kale oo la tuhunsan yahay.

Kiisaskaas ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee Geeska Afrika laga soo wariyey tan iyo markii uu dilaacay cudurka bishii November, 2019.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in xanuunka uu yahay mid si degdeg ah u faafa isla markaana khatar badan.

Ku dhowaad 120-kun oo kiis ayaa la diiwaan-geliyey tan iyo markii uu Coronavirus uu kasoo bilowday magaalada Wuhan ee Shiinaha.

China ayaa sheegay in uu tuhunsan yahay in uu Mareykanka abuuray cudurkaas si uu hoos ugu dhigo ganacsiga iyo dhaqaalaha wadankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM