Itoobiya iyo Soomaaliya oo Bog Cusub ka Furay Xiriirkoodda

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Mesganu Arga, ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka gudbeen xiisadihii hore, isla markaana ay bilaabeen waqti cusub oo iskaashi iyo wada shaqeyn ah.

Wareysi uu siiyey telefishinka ETV, Arga ayaa xusay in labada dal ay ku heshiiyeen xoojinta xiriirkooda laba geesoodka ah iyo midka gobolkaba, ka dib heshiisyo muhiim ah oo ka dhacay magaalooyinka Ankara, Muqdisho, iyo Addis Ababa.

Isbeddelka cusub ee xiriirka diblomaasiyadeed waxaa xoojiyey booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, dhawaan ku tagay Itoobiya, taas oo muujisay isbeddel weyn oo dhanka xiriirka labada dal ah.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka taariikhiga ah iyo kan dhaqan ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya uu yahay saldhigga xiriirka dheer ee labada waddan. Waxa uu ku tilmaamay dadaallada diblomaasiyadeed ee dhawaan lagu guuleystay inay ahaayeen kuwo guul u horseeday xalinta faham xumadii hore iyo abuurista iskaashi faa’iido leh.

“Xiriirkeenna udub dhexaadkiisu waa taariikh iyo dhaqan aan wadaagno; waa inaan wada horumarinnaa,” ayuu yiri Arga, isaga oo intaa ku daray in labada dal ay ka go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha, amniga wadajirka ah, iyo dedaallada nabadda.

Heshiisyadani waxay calaamadeynayaan marxalad muhiim ah oo lagu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya, iyada oo la rajeynayo in la xoojiyo oo loo soo celiyo awooddii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagaa da' ah shaaciyay inuu markii 6aad u tartamayo Xilka Madaxweynaha wadanka Jabuuti.

  • Afrika

    10-11-2025

  • 06:17AM

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM