Itoobiya oo abaalmarin duldhigtay hogaanka TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowlada Itoobiya ayaa abaalmarin lacageed oo dhan tobban milyan lacagta waddankaas ah una dhiganta $260,000 waxay dul-dhigtay hogaanka baxsadka ah ee xoogaga TPLF.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa shaaca ka dhigtey in lacagtaas ay siin doonto cid kasta oo keenta maclumaad lagu soo qaban karo ama muujinaya meesha ay ku dhuumaaleysanayaan saraakiisha jabhadda.

Telefishinka ku hadla afka dowladda Itoobiya iyo Guddiga loo xilsaarey xaaladda gobolkaas ayaa faafiyey wararkaas Jimcaddii.

Hogaamiyeyaasha TPLF ayaa loo maleynayaan in ay ku hareereysan yihiin buuraleyda gobolkas tan iyo markii ay waayaan gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Maqale 23-kii November.

Tan iyo markii laga saarey magaala madaxda, ma jirto wax wareysi ah oo ay siiyeen warbaahinta caalamiga oo ay la hadli jireen kahor inta aan laga saarey magaala madaxda gobolkan waqoyga dhaca.

Xaalada gobolka Tigray ayaa haatan ah mid degan. Nolosha waxay kusoo laabaneysaa si caadi ah. Maamul ku meelgaar ah ayaana loo dhisay kaasoo soo celiyey isgaarsiinta iyo adeeggii internet-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM