Itoobiya oo beenisay in ay ka laabatay is-afgaradkii Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya ayaa beenisay in ay ka noqotay heshiiskii is afgarad ee ay la gashay Maamulka Waqooyi ee Somaliland.

War xafiiska Ra'iisulwasaare Abiye Axmed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in laga digtoonnado wararka been abuurka ah.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay baraha bulshada haystay warqad wadata summadda xafiiska dalka Itoobiya looga taliyo taas oo tilmaamaysay in Itoobiya ka baxday heshiiskii is afgarad ee sannadkan horraantiisii ay la gashay Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM