Itoobiya oo beenisay wararka laga baahiyey Abiy Axmed iyo Uhuru

Image

NAIROBI, Kenya – Safaaradda Itoobiya ee magaalada Nairobi ayaa ganafka ku dhufatay wararka sheegaya in uu sii xumaanaya xiriirka u dhaxeeya ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Warbixinadaas ayaa soo baxay kadib dib-u-dhac ku yimid kulan la filayey in ay hogaamiyeyaasha yeeshaan 16-ka Maaj, 2020.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaas uu u baaqdey "xaaladdo laga fuqsan waayey".

Kahor inta uusan baaqan kulanka, madaxweynaha Itoobiya, Sahle-Work Zewde, ayaa la kulmay dhigeeda Kenya, Uhuru Kenyatta.

Is-araggaas waxaa looga arrin-saday arrimo ay kamid tahay khilaafka webiga Niil ee u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya. Saxaafadda waxay baahisay in Kenya ay si buuxda garab-istaag ugu muujisay Khaahira.

Kulanka Abiy iyo Uhuru oo uu qeyb ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa looga hadli lahaa xiisadda ka dhanka xuduudka ee Nairobi iyo Muqdisho.

Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay gaadiid dagaal iyo diyaarado kaga qeyb-qaadatay dagaalkii ka dhacay nawaaxiga magaalada Mandera, kaas oo sababay khasaaro soo gaarey shacab iyo barakac baahsan.

Sikastaba ha ahaatee, shirka saddex-geesoodka ee hogaamiyeyaasha oo dowladda federaalka Soomaaliya sheegtay in loo baajiyey faafitaanka Coronavirus ayaanan la muddeyn waqtiga xiga ee uu qabsoomi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM