Itoobiya oo beenisay wararka laga baahiyey Abiy Axmed iyo Uhuru

Image

NAIROBI, Kenya – Safaaradda Itoobiya ee magaalada Nairobi ayaa ganafka ku dhufatay wararka sheegaya in uu sii xumaanaya xiriirka u dhaxeeya ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Warbixinadaas ayaa soo baxay kadib dib-u-dhac ku yimid kulan la filayey in ay hogaamiyeyaasha yeeshaan 16-ka Maaj, 2020.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaas uu u baaqdey "xaaladdo laga fuqsan waayey".

Kahor inta uusan baaqan kulanka, madaxweynaha Itoobiya, Sahle-Work Zewde, ayaa la kulmay dhigeeda Kenya, Uhuru Kenyatta.

Is-araggaas waxaa looga arrin-saday arrimo ay kamid tahay khilaafka webiga Niil ee u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya. Saxaafadda waxay baahisay in Kenya ay si buuxda garab-istaag ugu muujisay Khaahira.

Kulanka Abiy iyo Uhuru oo uu qeyb ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa looga hadli lahaa xiisadda ka dhanka xuduudka ee Nairobi iyo Muqdisho.

Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay gaadiid dagaal iyo diyaarado kaga qeyb-qaadatay dagaalkii ka dhacay nawaaxiga magaalada Mandera, kaas oo sababay khasaaro soo gaarey shacab iyo barakac baahsan.

Sikastaba ha ahaatee, shirka saddex-geesoodka ee hogaamiyeyaasha oo dowladda federaalka Soomaaliya sheegtay in loo baajiyey faafitaanka Coronavirus ayaanan la muddeyn waqtiga xiga ee uu qabsoomi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM