Itoobiya oo bulaleerka u mamnuucdey "cabsi weeraro argagixiso"

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Booliska caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa wuxuu shaaciyey in ay mamnuuceen in bulaleerka loo adeegsado xafladaha dabaaldega sanadka cusub ee dalkaas oo caawa ku beegan.

Markos Tadesse, madaxa xiriirka dadweynaha iyo warbaahinta guddiga booliska magaaladda, ayaa sheegay in talaabadaan ay si toos ah ula xiriirto cabsi ku aadan in bulaleerka lagu dhex-qariyo “weeraro argagixiso".

Shaqsiyaad uusan magacyadooda soo bandhigin ayuu ka dhawaajiyey in ay qorshenayaan falalkaas liddiga ku ah nabad-gelyada.

Isagoo la hadlayey Telefishinka ku hadla afka dowladda ee FBC, Tadesse ayaa ku booriyey muwaadiniinta in ay hogaan-samaan amarka.

"Qof kasta oo ku xadgudubka mamnuucitaanka waxaa loosoo xiri doonaa sidda ugu dhaqsiyaha badan," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Sarkaalkan ayaanan kala caddeyn hadii go'aankaan uu ku eg-yahay inta dabaaldega socdo iyo in uu sii jiro illaa amar dambe.

Warbixino dhanka sirdoonka ah ayaa bilooyikii lasoo dhaafay soo jeedinayey in Al-Shabaab iyo Daacish ay unug Itoobiyaan qoranayaan.

Ethiopia oo ah waddanka ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa haatan waxay wajaheysaa qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuuri ah markii xukuumada Abiy Axmed baajisay doorashada aafada Covid-19 awadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo ku baaqday in Maamulka Badda Cas Lagu Koobo Dalalka Xeebaha Leh oo Kaliya

Isagoo ka hadlayay arrimaha biyaha, Abdelatty wuxuu ku tilmaamay biyaha xuquuq aasaasi ah oo bani’aadamka leeyahay.

  • Afrika

    16-02-2026

  • 12:27PM

Abiy Ahmed: Helitaanka Badda waa Arrin "Jiritaan" u ah 130-ka Milyan ee ku nool Itoobiya

"Amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika waxay ku xiran yihiin in Itoobiya ay hesho marin badeed," ayuu yiri Abiy Ahmed.

  • Afrika

    14-02-2026

  • 11:41AM