Itoobiya oo dacwad kusoo roogtay dad loo haysto dilka fanaankii Oromada

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya ayaa Jimcadii waxay dacwad kusoo oogtay afar lala xiriirinayo dilka fanaankii caanka ahaa ee reer Oromo kaasoo dhimashadiisa ay isu soo baxyada maalmaha socday ay ka dhasheen.

Wakaalada wararka Reuters ayaa sidaas ku warantay iyadoo soo xiganeysa afhayeenka Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee waddankaas.

Sidda uu ka dhawaajiyey afhayeenka, afarta ruux ee loo haysto dilkaan waxay wajahayaan dacwad salka ku haysa argagixisanimo.

Shirqoolka lagu khaarijiyey Haacaaluu Hundeessaa oo June ka dhacay Addis Ababa ayaa rabshahada ka dhashay waxaa ku dhintay 178 qof.

Ku dhowaad sagaal kun oo isugu jira siyaasiyiin, shaqsiyaad u ololeeya arrimaha bulshada iyo wariyeyaal ayaa lagu xiray banaanbaxyadda.

Todobaadkii hore, laba kun oo ruux ayaa lagu soo oogay dacwad lala xiriirta qulqulatooyinka, waxaana lasoo taagayaa maxkamad.

Jawar Maxamed, aas-aase warbaahin ahna siyaasi u dhaqdhaqaaqa qadiyada Oromada, ayaa kamid ah shaqsiyaadkaas, waxaana loo haystaa xadgudubka xeerarka isgaarsiinta, argagixisada iyo hubka.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa tabisay in shaqsiyaadka qaarkood uu aad u sareeyo tuhunkooda isla markaana ay maleegayeen dilka shaqsiyaad caan ah si ay u abuuraan qalalaase una ridaan dowladda jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Burkina Faso oo xayiraad adag kusoo rogtay BBC iyo VOA

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

  • Afrika

    27-04-2024

  • 04:34AM

Dowladda Kenya oo u goodisay dhakhaatiir ku dhawaaqay shaqo joojin

Joojinta shaqada ayaa curyaamisay adeegyadii caafimaadka ee isbitaallada guud ee dalka.

  • Afrika

    25-04-2024

  • 03:45AM