Itoobiya oo gacanta ku dhigtay horjooge sarre oo Al-Shabaab ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya ayaa Sabtidii shaacisay in ay qabatay tirro aysan shaacin oo ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya.

Hay'adda Sirdoonka ayaa war qoraal ah ku tilmaamtay in raggan ay qorsheynayeen weeraro kala duwan oo ay wadankaasi ka geystaan sidda huteelo.

"Waxay kaloo qorsheynayeen in ay weeraraan goobaha isu soo baxyadda diimaha ee magaaladda caasimada ah ee Addis Ababa," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Jabuuti ayaa gacan ka geystay soo qabashaddan xubnahan oo uu ku jiro hogaamiyahooda, Muxamed Cabdullaahi.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Jabuuti ayaa gacan ka geystay soo qabashaddan xubnahan oo uu ku jiro hogaamiyahooda, Muxamed Cabdullaahi.

"Xubnahan ayaa waxaa laga soo kala qabtay Addis Ababa, ismaamulka Oromia iyo gobolka Soomaalida," ayaa lagu daray bayaanka oo warbaahinta loo diray.

Al-Shabaab ayaa muddo sanado ah waxay la dagaalameysaa dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo taageero ka heleysa ciidamadda AMISOM.

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida oo fuliya gulufyo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan ayaa si lamid ah ka howlgala dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM