Itoobiya oo go'aan cusub kasoo saartay biyo-xireenk Nile

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa Arbacadii sheegtay inaysan dib u dhigaynin qorshaha wareega labaad ee biyo-buuxinta mashruuca biyo-xireenka biyo-is-weydaarsiga muranka dhaliyay ee loo yaqaan Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

Dr Sileshi Bekele, Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee Itoobiya ayaa xusay in wareega labaad ee biyo buuxinta loo hirgelin doono xagaaga soo socda sidda loo qorsheeyay.

Arintaan ayaa lagu dhawaaqay intii lagu gudajiray shirkii khabiirada biyaha ee ka dhacay Addis Ababa lagagana hadlay horumarka hada uu gaaray biyo xireenka, iyo xaalada wadahadalada saddex geesoodka ah iyo horumarada la xiriirta.

Wasiirka oo hadaljeedin ka sameeyay madasha ayaa tibaaxay in dhismaha biyo xireenku uu ku dhowyahay boqolkiiba 80.

Hadalkiisa ayaa imanaya kadib codsigii Suudaan ee ahaa in dhexdhexaadiyayaal shisheeye, oo uu kujiro Maraykanka iyo Midowga Afrika (AU) ay qeb ka noqdaan wadahadalada biya xireenka wabiga Niil.

Intii lagu guda jiray booqashooyinka Sudan iyo Masar todobaadyadii la soo dhaafay, saraakiisha sarsare ee labadan dal waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in heshiis la gaaro ka hor inta aysan Itoobiya ku dhaqaaqin wareegga xiga ee biyo-xireenka la qorsheynayo xilli-roobaadka soo socda.

Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, oo waqti xaadirkan dhismihiisa ku kacaya in ka badan shan bilyan oo doolarka Mareykanka, ayaa la sheegay inuu yahay kan ugu weyn Afrika wuxuuna yeelan doonaa awood uu ku soo saaro in ka badan 6,000 oo megawaat oo koronto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM