Itoobiya oo ka heshay $1.5 bilyan dollar dahabka ay dhoofisay mudo 6 bilood

Image

ADDIS ABABA - Wasaaradda Ganacsiga Itoobiya, ayaa sheegtay in Itoobiya ay ka heshay $1.5 bilyan dhoofinta dahabka qeybtii hore ee sanadka miisaaniyada hadda jirta.

Wasiirka Ganacsiga dalkaas Kassahun Gofe ayaa sheegay in tani ay fursado muhiim ah u abuuraysa alaabooyin kala duwan oo Itoobiya soo saarto oo loo iib geynayo suuqyada caalamka.

Kassahun ayaa bogaadiyay hormarka jira, isagoo tilmaamay in dakhliga $1.5 bilyan ee ka yimid dhoofinta dahabka uu yahay guul mudan in la xuso. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda looga ka faa’iidaysto kheyraadka dalka, si loo gaaro barwaaqo.

Intaas waxaa sii dheer, Wasiirka ayaa tilmaamay awooda dalka ee dhoofinta qaxwaha, digirta, abuurka saliidda, beero xabxab ah, dhir udgoon iyo alaabooyinka beeraha ee muhiim u ah kor u qaadida ganacsiga iyo kordhinta dakhliga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM