Itoobiya oo lix ruux maxkamad u soo taagtey afgembigii fashilmay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Lix ruux ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taala xarunta wadanka aan badda lahayn ee Addis Ababa, Arbaco maanta ah.

Qareenkooda ayaa u sheegay warbaahinta in raggaan lagu soo oogay dacwad ku saabsan argagixisinimo iyo incilqaabkii dhicisoobay ee gobolka Amxaarada.

Shaqsiyaadkan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee loo maxkamadeeyo afgembigaasi oo galaaftay taliyihii ciidamada Itoobiya, Seare Mekonnen iyo afar mas'uul kale.

Sarkaal la tilmaamay in uu ka dambeeyay afgembigaasi kaasoo magaciisa lagu sheegay Asaminew Tsige, ayaa lasoo wariyey in la toogtay isaga oo baxsad ah.

Xeer-beegtada oo fartay in dadka la tuhunsan yahay ay xabsiga lagu sii hayo ayaa waxay bileyska siisay muddo 28 maalmood oo ay caddeymo ku keenan.

Saddex kamid ah xubnaha lasoo eedeeyay ayaa ka tirsan koox lagu magacaabo Baladera Council ama Golaha Badbaadada magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Kutladaasi siyaasadeed ayaa waxay hogaankooda ku doodaan in ay u olaleeyaan dadweynaha ku dhaqan magaala madaxda wadanka ugu dadka badan Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM