Itoobiya oo shaacisay mowqifkeeda raalligelintii Farmaajo ee Somaliland

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladda Itoobiya ayaa warbixin kooban waxay kasoo saartay raalligelintii uu madaxweyne Farmaajo ka siiyey Somaliland xasuuqii uu taliskii Siyaad Barre u geystay gobolada waqooyi.

Ugu horeyn, xukuumadda Addis Ababa ayaa cudurdaarka ku tilmaamtay mid loo qaadey dhanka is-fahamka iyo nabadda gobolka.

Muuse Biixi Cabdi ayay ku bogaadisay in uu ogolaadey cudurdaarkaas, wallow hogaamiyaha Somaliland uu diidey baaqa Farmaajo oo ahaa in jabhada SNM ay dhankeeda cudurdaarka qeyb ka noqoto.

"Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi wuxuu soo dhaweeyay raalligelinta guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre," ayay tiri wasaarada arrimaha dibada.

Waxay raacisay: "Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah".

Cudurdaarkaas ayaa yimid markii ay xafiiska ra'iisul wasaare Abiy Axmed ku kulmeen Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Wallow aysan tafaasiil dheeri ah ka bixin arrimaha leysla soo qaadey, wasaaraddu waxay ammaantay kulankaas uu Abiy qeyb ka ahaa.

“Toddobaadkii hore, labada hogaamiye markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa," ayaa lagu yiri warbixinta todobaadlaha ee Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya.

Isagoo la hadlay baarlamaanka maamulkiisa, Biixi ayaa sheegay in shirka lagu soo qaadey in Abiy uu u kala dabqaado labada dhinac, talaabadaas oo uu caddeeyay in ay isla meeldhigeen saddexdooda.

Hadalka Itoobiya ayaa imaanaya iyaddoo la xaqiijiyey in kulanku qeyb ka ahaa in Farmaajo iyo Abiy kawada degaan Hargeysa, wallow arrintaas uu ganafka ku dhuftay Biixi isla markaana uu iska indha-tiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM