Itoobiya oo si adag u cambaareysay xayiraadaha Mareykanka

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa Isniinta maanta ah ku eedeysay Mareykanka inuu faragelin ku hayo arrimaheeda gudaha kadib markii Washington ay ku dhawaaqday xayiraado ku saabsan kaalmada dhaqaale iyo amniga ee la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee laga soo warinayey in ay sababeen colaada ka taagan waqooyiga gobolka Tigray.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa Axadii wuxuu sheegay xayiraadaha in loola jeedo in lagu cadaadiyo dhinacyada ay khuseyso "si loo xaliyo khilaafkii qarxay bishii November".

Kumanaan qof ayaa ku dhintey dagaalladii dhex marey xisbigii hore ee talada hayey ee Tigray, oo ah Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF), iyo dawladda federaalka ee Itoobiya iyo xoogagga isbahaysiga ee ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa sheegtay in haddii xayiraadaha Mareykanka ay sii socdaan, Addis Ababa "lagu qasbi doono inay dib u qiimeyso xiriirkeeda Mareykanka, taasoo laga yaabo inay saameyn ku yeelato wixii ka baxsan xiriirkeenna laba geesoodka ah."

Itoobiya ayaa askar nabad-ilaalin ah ka joogaan dalalka deriska la ah ee kala ah; Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya. Waxay sidoo kale ahayd saaxiibka muhiimka ah ee sirdoonka wadamada reer galbeedka ee kormeera xagjiriinta islaamiyiinta ah ee Geeska Afrika.

"Isku dayga maamulka Mareykanka ee ah inuu faragaliyo arrimaha gudaha [Itoobiya], kaliya ma haboona laakiin sidoo kale gabi ahaanba lama aqbali karo," ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada arimaha dibada.

Bayaanka ayaa intaas lagu daray: "Waxa taa ka sii murugo badan ayaa ah in maamulka Mareykanka uu ula dhaqmo dowladda Itoobiya si siman kooxda TPLF, oo loo aqoonsaday urur argagixiso ... laba todobaad ka hor."

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda ay dileen dad rayid ah ayna geysteen kufsi wadareed. Itoobiya ayaa beenisay gabood falka baahsan waxayna sheegtay Jimcihii inay xukuntay afar askari oo lagu eedeeyay inay dileen dad rayid ah ama kufsi halka 53 kale maxkamad la soo taagay isla dambiyadaas, inkasta oo diiwaanka maxkamadu uusan ahayn mid dadweyne.

Dowlada Itoobiya ayaa cadaadis saa'id ah kala kulantay Beesha Caalamka si ay u muujiso la xisaabtan iyada oo ay soo kordhayaan wararka ku saabsan falalka foosha xun ee ka socda Tigray.

Midowga Yurub wuxuu joojiyay lacag bixinta taageerada miisaaniyada iyadoo lagu soo waramayo kufsi wadareed, dilal wadareed loo geysanayo dadka rayidka ah iyo bililiqo baahsan oo ka dhacday gobolka waqooyi.

Itoobiya ayaa sheegtay in khilaafka ka taagan Tigray uu yahay mid gudaha ah isla markaana xayiraadaha ay yihiin kuwa aan waxtar lahayn ka hor qabsoomida doorashooyinka qaran ee la qorsheeyay 21-ka Juun. Dib-u-dhaca doorashooyinka oo loo balansanaa bishii August, asal ahaan, waa mid kamid ah sababaha ugu culus ee qarxiyey colaaddan lix bilood jirsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koongo oo kahor tagay afgambi lagu sameyn lahaa Madaxweynaha

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xisbiga talada haya ee Madaxweyne Felix Tshisekedi.

  • Afrika

    19-05-2024

  • 12:12PM

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM