Itoobiya oo soo saartay amar saameynaya safaaradaha

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Maamulka caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa mamnuucay mootooyinka laba lug leh, sidda ay ku warantay wakaaladda wararka u faafisa waddankaasi.

Warbaahinta dowladda ee FBC ayaa shaacisay in go’aankan uu xitaa saameynayo mootooyinka ruq-sadaha ka heysta safaaradaha iyo shirkadaha waaweyn ee ka shaqeeya daabulida agabka.

Talaabadan ayaa waxay kusoo beegmeysaa markii ay kordheen fal-dambiyeeyada ay magaala madaxda ka geysanayaan kooxaha adeegsanaya mootooyinka ee dilalka fuliya.

Raggaasi hubeysan oo bileyska mararka qaar ku guuleysto in uu soo qabto xiliyadda qaarna ay baxsadaan ayaa waxaa sidoo kale la sheegaa in ay ku geystaan Mootooyinka falalka dhaca ah.

Horaantii bishaan ayey ahayd markii khabiir u dhashay dalka Hindiya lagu dilay duleedka Addis Ababa, iyadda oo ay Mooto ku baxsadeen raggii ka dambeeyay oo aanan wali lasoo qaban.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada caalamka xarumaha diblumaasiyadeed ku leh caasimadda Itoobiya.

Addis Ababa, xarunta dhaqanka iyo ganacsiga Itoobiya, isla markaana ah magaaladda ugu weyn waddankaasi aan badda lahayn, ayaa la sheegaa in ay ku nool yihiin in ka badan saddex milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM