Itoobiya oo u baroor-diiqdey Jenaraalo shirqool lagu khaarijiyey

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Mas'uuliyiin sarre oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu baroor-diiqayey Jenaraalo la dilay.

Xafladda oo uu kasoo muuqday ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxay ka qabsoontey hoolka Millennium ee magaaladda Addis Ababa.

Meydadka taliyaha ciidamada Seare iyo Gaashaanle Sare Gezai oo howl-gab ah ayaa loo qaadey Kaniisada Gabriel.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa waxay kusoo warameysa in berri oo Arbaco ah la aasi doono labadaasi shaqsi.

Sarkaalka ugu sareeya milatariga dalka aan badda ahayn ayay fiidnimadii Sabtida ilaaladiisa ku dhex-dishay hoygiisa oo ku yaala Addis Ababa.

Jenaraalka kale ayaa waxaa isna lagu waramayaa in isla gudaha magaaladda ay ku toogteen xoogaga dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in lasoo xiray askartii dilka geysatay, isla markaana cadaaladda la marsiin doono.

Labadan marxuum ayaa la sheegay in loo beegsaday markii ay isku dayeen in ay baajiyaan afgembi dhicisoobay oo waqtigaasi ka socday gobolka Amxaarada.

Xafiiska Abiy ayaa ku eedeeyay inqilaabkaasi madaxii xafiiska amniga iyo nabada gobolkaasi kaasoo la sheegay in la dilay isaga oo baxsad ah.

Madaxweynihii is-maamulkaasi, lataliyihiisa iyo xeer-ilaaliyihii ayaa ku naf-waayey shaqaaqadiisa oo muddo afar saac ah socotay.

Tan iyo markii uu dhacay afgembigaasi guuldareystay waxaa hoos loo dhigay calanka dalka Itoobiya, talaabo lagula murugoonayo ehalada mas'uuliyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM