Itoobiya oo xirtay xuduudaheeda si ay uga hortagto Coronavirus

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya ayaa xirtay dhamaan xuduudaheeda si ay uga hortagto faafitaanka COVID – 19, sidda ay warbaahinta dalkaas kasoo xigatay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Wargeyska Addis Standard ayaa baahiyey in sidoo kale Abiy uu amray in la karan-tiilo dhamaan dadka galaya gudaha waddankaas laga bilaabo maanta oo Isniin ah, 23-ka Maaj, sanadka 2020.

Sidda ay muujinayaa warbixinadda, xukuumadda Addis Ababa ayaa sidoo kale ku dhawaaqdey in ay dagaalka ka dhanka ah caabuqaas u diyaarisay shan milyan oo lacagta Itoobiya ah.

Go'aanadaan, sidda laga soo xigtay jaraa'idka, ayaa kasoo baxay kulan uu Abiy la yeeshay madaxda laamaha kala duwan ee ammaanka.

"Hay'addaha kale ee dowladda waxay ka shaqeynayaan fududeynta in ay dhaqan-galaan guud ahaan amaradda," sidaas waxaa baahiyey Telefishinka ku hadla afka dowladda Itoobiya.

Talaabooyinka ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan warar kale oo sheegaya in dowladdu soo rogi doonto bandow dadka faraya in aysan kasoo bixi guryahooda.

Itoobiya ayaa illaa iyo haatan xaqiijisay lix kiis oo xanuunkaas dilaaga ah. Balse waxay fariisin u noqoneysaa halka laga daadgureynayo deeq balaaran uu Shiinaha ugu talagalay qaarada Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM