Itoobiya: Soomaaliya wali naguma wargelin bixitaanka ciidankeena

Image
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ka jawaabtay hadalka kasoo yeeray xukuumadda Muqdisho.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dawladda Ethiopia ayaa ka jawaabtay go'aankii Dowladda Soomaaliya ee ah in Ciidamada Ethiopia bixi doonan Dhammaadka sanadkaan 2024-ka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nabiu Tedla, ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan wargelin ka helin Soomaaliya oo ku aadan inay la baxaan ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrka ee lagu magacaabo ATMIS.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan waxba ka ogeyn arrintan, gaar ahaan hadalka kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in uusan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo kasoo gaaray dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan, amaba lala soo wadaagay.

Nabiu Tedla ayaa xusay inay sii wadayaan howlgalada amni ilaalinta ee ay ka hayaan Soomaaliya, isaga oo ku dooday in weli uu yahay qorshaha bixista, maadaama aan la helin Ciidamadii Badali Lahaa ATMIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM