Itoobiya: Walaac naguma hayso muwaadiniinteena ku biireysa AS iyo ISIL

Image
ISIL ayaa si gaar ah u soo saartay muuqaalo borobogaando ah oo ay ku sheegeen in ay muujinayaan dad Itoobiyaan ah oo koox koox ku tababaranaya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay sheegtay in ku biiritaanka muwaadiniinta dalkaas ee kooxaha argagixisada ka dagaalama  Soomaaliya ‘aan ahayn walaac weyn".

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa sheegay in khatarta iyo ku biirista muwaadiniinta Itoobiya ee kooxaha xagjirka ah ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ay khusayso, balse waxa uu ku adkeystay in tallaabooyinka ka hortagga argagixisada ee ciidamadeeda ammaanku ay yihiin kuwo waxtar leh.
 
"Ururka argagixisada Al-Shabab waxa ay khatar weyn oo joogto ah ku hayaan ammaanka iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Bariga Afrika," ayuu Nebiyu Tedla ayaa u sheegay VOA.
 
Tedla waxa uu ku ammaanay Itoobiya “ilaalinta firfircoon, xog ururinta, iyo dadaalka iskaashiga ee saaxiibada gobolka,” iyo sidoo kale ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika in ay door ka ciyaaraan si ay u yareeyaan khataraha amni ee degdega ah ee ay geysanayaan argagixisada iyo isku dayga ay ku balaarinayaan saamayntooda iyo dadaallada qorashadda xubnaha cusub."
 
“Aniga oo aqoonsan khatartaas, laamaha ammaanka ee Itoobiya waxa ay si dadaal leh uga shaqaynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen khatar kasta oo kaga iman karta Al-Shabaab, ma aha oo kaliya gudaha xudduudaha Itoobiya, laakiin sidoo kale meelaha ay Soomaaliya lafteeda gacanta ku hayaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. (ATMIS)- Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF),” ayuu yiri Tedla.
 
Al-Shabab iyo kooxda Daacish - labaduba -waxay qorteen Itoobiyaan sannadihii la soo dhaafay iyadoo ay xasillooni darro ka jirtay qaybo ka mid ah Itoobiya. ISIL ayaa si gaar ah u soo saartay muuqaalo borobogaando ah oo ay ku sheegeen in ay muujinayaan dad Itoobiyaan ah oo koox koox ku tababaranaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM