Ivory Coast oo ceyrinaysa cicdamadda "gumeysiga" Faransiiska

Image
Waa dalkii ugu dambeeyay Afrikaan ah oo go'aan noocaan oo kale ah qaata.

NAIROBI, Kenya - Ivory Coast ayaa ku dhawaaqday in ciidamada Faransiiska ay ka baxayaan dalka ku yaalla galbeedka Afrika, taasoo sii yareyneysa saameynta milateri ee gumeysigii hore ee gobolka.

Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, oo khudbad ka jeediyay dhamaadka sanadka, ayaa sheegay in tallaabadani ay ka tarjumeyso casriyeynta ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.

Geesta kale, Senegal, oo bishii hore ku dhawaaqday in Faransiisku uu xidhi doono saldhigyada millatari ee uu ku leeyahay dhulkooda, ayaa xaqiijisay in ka bixitaanku uu dhammaanayo dhammaadka 2025-ka.

Ivory Coast ayaa ah halka ay ku sugan yihiin ciidamada ugu badan ee Faransiiska ka jooga Galbeedka Afrika. Waxaa jira ilaa 600 oo askari oo Faransiis ah oo ku sugan dalka iyadoo 350 ay joogaan Senega.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM

Elon Musk oo Internet-ka ka jaray Uganda kahor doorashadda

Tallaabadan ayaa dhalisay dood xooggan iyo cadho ka timid dhanka xisbiyada mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

  • Afrika

    07-01-2026

  • 09:46AM