Ivory Coast oo hanatay Koobka kubada cagta Qaramada Qaarada Afrika

Image
Waa koobkii seddexaad ee Ivory Coast ka dib markii ay ku guuleysteen 1992 iyo 2015 oo ay ku hanteen rigooreyaal.

NAIROBI, Kenya — Ciyaaryahan Sebastien Haller ayaa gool yimid xilli dambe waxa uu ka caawiyay in xulkiisa Ivory Coast in uu ku guuleysto koobka qaramada Afrika kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen Nigeria final-kii habeenkii Axadii.

Daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta ayuu Haller badalay farqiga ciyaarta kadib markii uu Franck Kessie uu barbaro u keenay Nigeria daqiiqadii 62-aad ee kulanka.

Waa koobkii seddexaad ee Ivory Coast ka dib markii ay ku guuleysteen 1992 iyo 2015, labaduba waxay ku qaadeen rigoorayaal.

Kabtanka Nigeria William Troost-Ekong ayaa dhaliyay goolkii 38aad ee ciyaarta isagoo madax ku dhaliyay koorno.

Super Eagles ayaa laga badiyay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana ay mar kale halis galiyeen isku dayo ay ku doonayeen inay ku barbareeyaan ka dib goolkii Haller.

Ivory Coast oo lagu naaneesto maroodiyeyaash ayaa martigeliyay tartankan, waxaana ay u muuqdaan in ay qaab ciyaareed wanaagsan lasoo baxeen kulamadii dambe maadaama bandhigooda uu liitay bilowgii koobka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM