Jabuuti oo beenisay warka la xiriiriyey saldhiga ciidanka badda Itoobiya
ADDIS ABABA, Ethiopia –
Kadib hadalheyn xoog leh oo warbaahinta maxaliga ah qabsatay, Dowladda Jabuuti ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in ay martigelin doonto saldhiga cusub ee ciidamadda badda Itoobiya.
Wargeyska The Capital ayaa qoray in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kawada xaajoodeen qorshahaas.
Jaraa'idka ayaa laga soo xigtay in taliska guud ee ciidamadda laga hirgelin doono caasimadda ismaamulka Amxaaradda ee Bahar Dar.
Ciidanka Badda Itoobiya ayaa la kala diray kadib markii Eritrea ay ka go'dey dalkaas, taas oo Ethiopia ka dhigtay qaran aan bad lahayn.
Maxamed Idiris Faarax, danjiraha Jabuuti u jooga Addis Ababa, oo la hadlay BBC-da, ayaa ku adkeystay "in warkaas uusan rasmi ahayn".
"Warkaas waa war jaraa'idada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah," ayuu yiri Safiirka.
Wuxuu ku daray: "Ma hayno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen, haddii ay noqota in heshiis la gaarana wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, Jabuuti iyo Itoobiya".
Safiirka oo xaqiijiyey in Abiy uu codsiga hordhigay madaxweyne Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in uusan haatan jirin ogolaansho dhankooda ka yimid.
"Waxay ahayd dalab ka yimid Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo doonayay in ciidankaas la dejiyo dalka Jabuuti, waxaa soo socdana wakhtiga ayaa inoo sheegi doona", ayuu carabka ku adkeeyay.
Sidda ku xusan warbixinta joornaalka, Itoobiya ayaa haysata fursad ah in ay saldhiga ka sameysato midkood dalalka Eritrea iyo Suudaan, hadii Jabuuti ganafka ku dhufatay soo jeedinta Abiy Axmed.
Sikastaba ha ahaatee, Jabuuti ayaa waxay haatan martigelisaa saldhigyo waaweyn oo ay leeyihiin milatariga qaar kamid ah dowladaha ugu tunka weyn caalamka sida wadamadda Mareykanka, Shiinaha iyo Faransiiska.
GAROWE ONLINE