Jabuuti oo martigelinaysa shir la isugu soo shaqeynaayo Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin hadalka Jabuuti.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisa iyo Kenya ay ka shaqeynayaan sidii loo soo celin lahaa xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya.

"Taasi waa hadafka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle," ayuu u sheegay MM Somali TV.

Waxa uu xusay in kulan kan ka horeeyay oo Itoobiya iyo Soomaaliya uu ka dhacay dalka Kenya, islamarkaana la filayo in kulan kale uu ka dhaco dalka Jabuuti.

"Gobolku wuxuu lahaa dhibaatooyin badan, dooni mayno dagaal cusub oo gobolka ka dhaca," ayuu raaciyay.

Waxa uu ku celiyay mowqifka Jabuuti – ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin hadalka Jabuuti. Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in Itoobiya la hadlayaa marka ay ka noqoto is-afgaradkii ay la gashay Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM