Jabuuti oo mowqif cad ka qaadatay dacwada kala dhaxeysa DP World

Image

DJIBOUTI, Jabuuti – Dawladda Jabuuti ayaa Khamiista maanta ah si rasmi ah uga jawaabtay bayaankii dhowaan ka soo baxay shirkadda laga leeyahay Isu tagga Imaaraadka Carabta ee DP World.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay mar kale ku guulaysteen dacwad kala dhexaysay dawladda Djibouti, oo la horgeeyay maxkamad fadhigeedu yahay magaalada London, cariga Ingiriiska.

Kiiskan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda dalka Britain.

Gudbinta galkaas ayaa yimid markii Jabuuti ay waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 2006.

Maamulaha guud ee dekedaha dalka Djibouti, Abubakar Cumar Xaddi, ayaa xusay in aanu jirin heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP Wolrd.

"Dowladda Jabuuti waxay qandaraas la gashay DCT, oo DP World ka tahay saami laga tiro badan yahay boqolkiiba 33 ayay ku leedahay; boqolkiiba 76 waxaa iska leh dowladda Jabuuti," ayuu yiri.

Xaddi oo u waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa ku adkeystay in DP-World kaliya la siiyey fursad ah maal galinta dekadaha Jabuuti.

"Anaga waan diidnay in aan ka qeybgalno maxkamadaas. Wax hadii ay ganacsi tahay waxa meesha yaalo waxay tahay magdhow, Jabuutina waxay diyaar u tahay magdhowgaas," ayuu raaciyey.

Wuxuu ku daray: "Laakiin, raggaas [DP World] uma socdaan lacag, waxay doonayaan in ay qabsadaan dekadaha Badda Cas ee Jabuuti, halkaasi ku hor-joogsadaan horumarka dekadaheena".

Isagoo hadalkiisa sii wata, maamule Xaddi ayaa sidoo kale gaashaanka ku dhuftay go’aanka la sheegay inuu maxkamadda ka soo baxay.

Go'aankan maxkamadda ayaa ahaa in Jabuuti ay muddo saddex bilood gudahooda ah ku bixiso magdhow ama in ay dib ugu celiso DP World xuquuqda iyo faa'iidooyinka laga sameeyay qandaraaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM