Jabuuti oo xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Coronavirus

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Dowladda Jabuuti ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay hubisay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus.

Maxamed Warsame Diiriye, wasiirka caafimaadka, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay ka heleen qof u dhashay dalka Spain.

Bukaankaas ayaa Jabuuti galay 14-kii bishaan Maaj sanadka 2020, sidda ay Diiriye kasoo xigatay Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda Jabuuti.

Caabuqaan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor wuxuu gaarey wadamadda xuduuda wadaaga ee kala ah; Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Kiisaska Itoobiya ayaa gaaraya lix, halka Kenya ay mareyso todoba, Soomaaliya illaa iyo haatan waxay hubisay hal muwaadin oo China ka yimid.

Shaqsiyaad kale oo lagu tuhmayo xanuunkaas ayaa baaritaano dheeraad ah ay ku socdaan, inkastoo ay ku jiraan kuwa laga helay calaamadaha.

Dowladahan ayaa ka siman in ay mamnuuceen duulimaadyadda isla markaana ay muddo 15-maalmood ah ay xayiraad kusoo rogeen tacliinta.

Coronavirus oo kasoo bilowday magaalada Wuhan ee Shiinaha ayaa illaa iyo haatan wuxuu galaaftay in ka badan shan kun, sidda ay shaacisay hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM

"Dilaagii Al Fasher Abu Lulu": Waxaan rabay inaan dilo 2,000, laakiin tirada way dhaaftay

Abu Lulu, magaciisa dhabta ahna uu yahay Al Faateh Cabdullaahi Idriis, waa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cabsida badan ee RSF.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 05:58PM