Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Image

TOKYO, Japan – Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shigeru Ishiba, ayaa furay maanta shir madaxeed saddex maalmood soconaya oo uu la leeyahay ku dhowaad 50 hoggaamiye Afrikaan ah, isagoo ballanqaaday xiriir dhaqaale iyo mid istiraatiijiyadeed oo qoto dheer oo u dhexeeya Japan iyo Afrika.

Shirkan oo qeyb ka ah Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika ee Tokyo (TICAD), ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dalal badan oo Afrikaan ah, wasiirro, iyo saraakiil caalami ah oo ay kamid yihiin Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika, kaas oo isugu xiri doona hay’adaha dowladda, warshadaha, iyo khubarada si loo ballaariyo ganacsiga xorta ah iyo maalgashiga labada dhinac.

Qorshaha ugu weyn ee aragtidan cusub waa "Hindisaha Xiriirka Dhaqaale ee Badweynta Hindiya iyo Afrika", taasoo lagu doonayo in ganacsiga Japan ee ka jira Hindiya iyo Bariga Dhexe loo weeciyo suuqyada Afrika.

Qabanqaabiyeyaasha shirka ayaa sheegay in hindisahani uu ka tarjumayo doonista Japan ee ah inay noqoto lamaanaha lagu kalsoonaan karo ee Afrika si ay gacan uga geysato koritaanka qaaradda, iyadoo xoogga la saarayo isku xirnaanta, ganacsiga, iyo horumar waara.

Shirkan ayaa imaanaya xilli uu sii yaraanayo ka-qaybgalka Mareykanka ee Afrika, halka Shiinuhu uu ballaarinayo saameyntiisa dhaqaale iyo siyaasadeed ee qaaradda, taasoo Japan ku riixaysa inay door muuqda ka qaadato isbeddellada istiraatiijiyadeed ee Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika: Doorashada Itoobiya waxay muujisay rabitaanka dimuqraadiyadeed ee dadka

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay ururku uga go’an tahay taageeridda dimuqraadiyadda dalalka xubnaha ka ah.

  • Afrika

    23-06-2026

  • 01:00PM

Kenya oo soo Gabagabeysay Tababarka Ciidamo loo Dirayo Howlgalka Cusub ee Soomaaliya

Tababarkan rasmiga ah ee ka hor daadgureynta oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, ayaa diiradda lagu saaray u diyaargarowga dagaalka.

  • Afrika

    22-06-2026

  • 08:18PM